12 qof oo ku dhimatay shil xalay dhacay

0
262

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay shil xalay laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Subuiga ee waddada u dhexeysa Nanyuki iyo Meru.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 12 ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii uu saaka geeriyooday qof ka mid ahaa dhaawaca oo lagu daaweynayay isbitaalka St Theresa Kiirua ee ismaamulka Meru.
Maamulka isbitaalka ayaa laga soo xigtay in 21 qof weli la daaweynaya halka labo ay daryeel heleen oo xarunta laga saaray.
Saddex qof oo dheeraad ah oo codsaday in guriyahooda la geeyo si ay halkaasi ugu bogsadaan ayaa la fasaxay.
Toddobo dhaawac ah oo loo qaaday isbitaalka Life care ayaa iyagana la daaweeyay oo guriyahooda aaday.
Shilka oo dhacay abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ayaa yimid ka dib markii bas uu darawalkii kaxeynayay xakameyn waayay maadaama uu isku dayeyay inuu gaari kale ka hor maro uu ku dhacay gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada.
Meydadka dadka shilka ku nafwaayay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee ismaamulka Meru .