Guddiga qaran ee adeegga booliska ee (NPSC) ayaa sheegay in codsiyo la soo dirsaday oo ku aaddan qabashada xilka agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da lagu soo reebay 10 qof.
Shakhsiyaadkan ayaa laga soo xushay liis ka kooban 253 oo ah codsiyo soo gaaray guddiga NPSC.
30-kii bishii hore ayay ahayd markii la xayaysiiyay in jagadan ay bannaan tahay maadaama uu 27-kii Septembar iska casilay George Kinoti oo hayay.
Guddiga qaran ee adeegga booliska ayaa sheegay in 10-ka qof lagu casuumay wareysiyo oo la turxaan bixin doono Talaadada.
Turxaan bixinta ayaa ka dhici doonto dugsiga dowladda ee KSG ee deegaanka lower Kabete ee ismaamulka Nairobi.
Guddoomiyaha NPSC ,Eliud Kinuthia ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqay inay aragtidooda ku saabsan shakhsiyaadkan ku soo gudbiyaan qaab qoraal ah.
Tobanka qof ee doonayo inay qabtaan xilka agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa kala ah
1. Amin Ibrahim Mohamed
2. Bernard Barasa Walumoli
3. Eliud Kipkoech Lagat
4. Gideon Nyale Munga
5. Esther Chepkosgei Seroney
6. David Kipkosgey Birech
7. Jonyo Michael Wiso
8. Nicholas Ireri Kamwende
9. Paul Jimmie Ndambuki
10. Dr. Simon Mwangi Wanderi
Waxaa hadda xilkan si ku meel gaar ah u sii haya Massa Hamisi Salim.
LIST OF APPLICANTS AND SHORTLISTED CANDIDATES FOR THE POSITION OF DIRECTOR, DIRECTORATE OF CRIMINAL INVESTIGATIONS IN THE NATIONAL POLICE SERVICE https://t.co/72H1MDSXy5
@NPSOfficial_KE @PoliceKE @APSKenya @DCI_Kenya @ENKinuthia
— National Police Service Commission – Kenya (@NPSC_KE) October 9, 2022