Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa magacyada 108 qof oo dheeraad ah ku kordhiyay liis horay loo soo saaray oo ah dadka doonayo inay qabtaan xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Liiskan cusub waxaa ku jiro Boya Molu oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga doorashooyinka ee IEBC iyo David Sankok oo ahaa xildhibaan horay baarlamaanka si magacaabid ah ugu biiray.
PSC ayaa sheegtay in liiskan ugu dambeeya uu yahay mid dhameystiran marka la eego sinnaanta jinsiyadeed , isku dheelitirka gobollada , kooxaha laga tirada badan yahay iyo naafada.
Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa horay soo saaray liis ka kooban 477 in kastoo in ka badan 9,000 qof ay codsiyo soo dirsadeen.