Moses Wetangula oo go’aamiyay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu hoggaamin doono aqlabiyadda baarlamaanka

0
508

Afhayeenka baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa go’aamiyay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu aqlabiyadda baarlamaanka hoggaamin doono.
Isbeheysigan ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu dhawaaqay inuu helay xubnaha ugu badan ee golaha qaran ee xeer dejinta.
Guddoomiyaha baarlamaanka wadanka Moses Wetangula ayaa go’aankan soo saaray gelinkii dame ee shalay ka dib ismariwaa ka dhashay cidda loo tixgelinayo hoggaaminta aqlabiyadda baarlamaanka Kenya.
Moses Wetangula ayaa sheegay in isebeheysiga Kenya Kwanza ay xubno ka yihiin 179 xildhibaan halka dhigooda oo ay aadka u xifaaltamaan ee Azimio La Umoja-One Kenya uu haysto 157 xubnood.
Tani ayaa ka dhigan in hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka uu yahay mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu Kimani Ichung’wa oo xubin ka ah isbeheysiga Kenya Kwanza.