Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa xaqiijisay inay guddoontay daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 oo dheeraad ah.
Tallaalkan ayaa dhan 100,000 oo kuuro waana nooca Moderna.
Shixnaddan ayaa waxaa siday mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda duulimaadka ee KLM.
Tani ayaa tirada guud ee daawooyinka tallaalka ka dhanka ah COVID-19 ee ilaa iyo hadda dalka la soo gaarsiiyay ka dhigaysa 29,506,260.
Daawooyinkan oo wadanka la keenay galinkii dambe ee shalay ayaa waxaa Kenya ugu deeqday dowladda Canada.
The doses, a donation from the Canadian government, arrived in the country last evening.
— Ministry of Health (@MOH_Kenya) October 6, 2022




