Wetangula oo maanta go’aaminaya muranka aqlabiyadda baarlamaanka

0
402

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa galinka dambe ee maanta la filayaa inuu go’aan ka soo saaro dood u dhexeysa isbeheysiyada siyaasadeed ee Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja.
Waxay labada dhinac ku muransan yihiin garabka siyaasadeed ee baarlamaanka ku leh tirada ugu badan ee siyaasiyiinta.
Arrintan ayaa salka ku hayso in xisbiyo horay uga tirsanaa Azimio sida UDM iyo MCC inay ku biireen isbeheysiga wadanka hoggaamiyo.
Moses Wetangula oo xildhibaannada fursad u siiyay inay arrintan ka doodaan ayaa sheegay inuu qaadan doono go’aan caddaalad ah oo ku saleysan dastuurka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.