Guddi dardargelinaya baaritaano ka dhan ah garsoore Chitembwe

0
353

Koox guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC uu u xilsaaray inuu baaritaano ku sameeyo xaakin lagu magacaabo Saciid Chitembwe ayaa sheegay inuu ku dadaalaya sidii arrintan lagu soo gabogabeyn lahaa.
Hasa ahaate waxay sheegeen inay xaakinka fursad u siiyaan inay ka dhageystaan dareenkiisa ku aaddan dacwad loo haysto oo la xiriirta musuqmaasuqa si aan xuquuqdiisa dastuuriga ah loogu xadgudbin.
Waxaa sidatan sheegay Sarah Yamo iyo Jasper Mbiuki oo ah xoghayeyaasha guddiga baaritaannada wado.
19-kii bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay garsooraha.
Guddiga baaritaannada ku sameynaya xaakinka ayaa si rasmi ah fadhiyadiisa u billaabay 19-kii bishii hore.
Caqabadda uu wajahaya garsooraha ayaa timid ka dib markii barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko uu ku eedeyay musuqmaasuq.
Hasa ahaate Saciid Chitembwe ayaa iska fogeeyay eedeymaha uu u jeediyay Mike Sonko isagoo xusay in la bartilmaameedsanaya.
Labo qof oo kale ayaa gudbiyay dacwad ay ku doonayaan in garsooraha uu xafiiska banneeyo iyagoo u aaneynaya inuu laaluush qaatay sidoo kalena uu si aan habboonayn u adeegsaday awoodiisa xafiiseed.
Guddiga baaritaannada ku howlan ayaa lagu wadaa inay soo jeedinadooda u gudbiyaan madaxweyne William Ruto si uu tallaabo u qaado.