Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo ka mid ah dalalka laga xusaya maalinta macallimiinta adduunka

Kenya oo ka mid ah dalalka laga xusaya maalinta macallimiinta adduunka

Waxaa maanta gudaha wadanka si la mid ah dalalka kale ee caalamka looga dabbaal degaya maalinta macallimiinta adduunka.
Xuska maalintan ayaa ka socdo dugsiga dowladda ee KSG ee ismaamulka Nairobi.
Guddiga adeegga barayaasha ee TSC ayaa la filaya inuu abaal marino guddoonsiiyo macallimiin sida habboon u maareeyay imtixaannada qaran ee sanadkii 2021-kii.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa macallimiinta ugu hambalyeysay dabbaal degga maanta loo qabanaya iyadoo intaasi ku dartay in barayaasha ay isbeddel ku sameyaan nolosha ardayda sidaas awgeedna ay dowladda ka caawiyaan inay haleesho ujeeddooyinka xeerarka tacliinta, manaahijta iyo hal-beegyada.
Dabbaal deggan ayaa waxaa sanadkii 1994-tii aasaasay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan tacliinta, sayniska iyo dhaqanka ee (UNESCO).
Waxaa loogu talagalay in la muujiyo oo macallimiinta caalamka lagu sharfo kaalintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments