Soomaaliya oo kaalinta labaad ka gashay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka ee Turkiga ka dhacay

0
440

Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ka gashay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka ah ee lagu qabtay dalka Turkiga.
Cabdiwahaab Qaasim Axmad oo ku tartamay 30-ka jis ayaa galay kaalinta labaad.
Soomaalida ayaa safka hore kaga jirta dadka kaalmaha sare ee sanadkasta ka gala tartamada Qur’aanka, taasi oo muujinaysa sida ay ugu wanaagsan yihiin Qur’aanka kariimka ah.
Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Tartame Cabdiwahaab Qaasim Axmad oo dalka Soomaaliya ku matalay Tartanka Qur’aanka Kariimka Caalamiga ah ee Turkey.
Tartankan caalamiga ah ayaa ka billowday magaalada bari ee Konya 29-kii bishii hore.
Cali Erbas, oo ah madaxa Agaasinka Diinta ee Turkiga ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto kutubta qur’aanka kariimka ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in si mustaqbalka la dhiso loo baahan yahay Kitaabka Quduuska ah.
Erbas ayaa sheegay in Qur’aanka Kariimka ah uu kala soocayo xaqa iyo baadilka, islamarkaana uu yahay isha xaqa ah ee bara bani’aadamka ujeeddada loo abuuray.
Tartankan caalamiga ah ee qur’aanka kariimka ah waxaa ku tartamay saddex iyo lixdan xaafid oo ka kala socday 49 waddan.
Tartankan oo soo socday ilaa 8-da bishan, ayaa lagu dhawaaqay cidda ku guuleysatay, waxaana lagu abaal mariyay xaflad ka dhacday magaalada Ankara, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.