Siyaasiyiin ku baaqay in Kenya ay u yeerto safiirka Uganda ee Nairobi

0
472

Siyaasiyiin kala duwan ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay in maamulkiisa uu dib ugu yeero safiirka Uganda ku matalo Kenya.
Tani ayaa timid ka dib markii Muhoozi Kainerugaba oo uu dhalay madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni uu barta Twitter-ka soo dhigay qoraallo la dhibsaday oo ka dhan ah Kenya.
Muhoozi oo hadda ah taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda ayaa sheegay in saraakiishiisa ay wax ka yar labo toddobaad ku qaadanaysa inay qabsadaan Nairobi.
Waxaa uu isweydiiyay su’aal ah: “Ka dib markii ay ciidankeennu qabsadan Nairobi, halkee baan degi karaa aniga? Ma Westlands? Mise Riverside?”.
Senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa bayaan ku sheegay inay tahay in safiirka Uganda ee Kenya Xasan Wasswa Galiwango uu dib ugu soo laabto dalka ilaa iyo inta arrintan laga xallinaya.
“Waxaan filayaa in wasaaradda arrimaha dibadda ay u yeerto safiirka Uganda u fadhiya Kenya si uu u iftiimiyo farriimaha la dhibsada ee uu soo dhigay bartiisa Twitter ee hoggaamiyaha ciidanka dhulka ee Uganda Muhoozi Kainerugaba” ayuu yiri senetarka Nandi
Waxaa uu intaasi ku daray in wiilka madaxweynaha Uganda inuu in raaligelin ka bixiyo qoraallada uu soo dhiga bartiisa Twitter-ka.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sidoo kale bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku soo qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo ee dhawaan dhacday.
Waxaa uu ku kaftamay inkastoo ay su’aal ka taagan tahay in Uganda ay duulaan ku qaadeyso Kenya.
Labo xiddigle janeraal Muhoozi Kainerugaba ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uunan dan ka lahayn dastuurka iyo sharciga.
“Annaga waxaan aaminsannahay kacaanka oo keliya, dhawaanna waad baran doontaan,” ayuu yiri janeraal Muhoozi
Sidoo kale guddoomiyaha a baarlamaanka dalka Moses Wetangula oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda uu shacbiyad ka raadsanayo baraha bulshada.
Wetangula ayaa is barbardhigay dhaqaalaha labada dal isagoo ugu baaqay Muhoozi inuu ixtiraamo Nairobi oo ah caasimadda Kenya.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in dhaqaalaha guud ee loo yaqaano GDP ee ka soo xarooda xaafadda Islii ee magaalada Nairobi uu ka sarreeya midka guud ahaan daka Uganda.
Kithure Kindiki oo dhawaan loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa kenyaanka ku boorriyay inay iska indhatiraan qoraallada barta twitter-ka uu soo dhigay taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda islamarkaana ay feejignaadaan oo ay isdejiyaan.
Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa dhankiisa ku dhiirigaliyay kenyaanka in ay midnimadooda sii adkeeyaan.
Waxaa uu sheegay in ciidamada Kenya ay ku dadaali doonaan ilaalinta dhulka iyo xuduudaha wadanka uu la leeyahay waddamada dariska.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka ee dhawaan la magacaabay Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in saaka uu kulan la qaatay danjiraha Uganda ee Kenya Ambasadoor Xasan Galiwango oo ay ka wada hadleen arrimo xiiso leh sidaas awgeedna xaaladda ay caadi tahay.

Dowladda dalka Uganda ayaa weli ka hadlin arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here