Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baarlamaanka dalka oo maanta dib u furmaya

Baarlamaanka dalka oo maanta dib u furmaya

Xildhibaannada baarlamaanka 13-aad ee dalka ayaa maanta billaabaya kal-fadhiyadoodii caadiga ahaa.
Khamiistii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto si wadajir ah uu khudbad ugu jeediyay xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare.
Siyaasiyiinta ayuu qorshuhu yahay inay ka doodaan khudbaddii hoggaamiyaha wadanka.
Waxay dhanka kale dood ka taagan tahay isbeheysiga aqlabiyadda ku leh baarlamaanka maadaama Kenya Kwanza iyo Azimio ay labaduba sheeganayaan inay tiro ahaan ku badan yihiin golaha xeer dejinta.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula ayaa sheegay in murankan la xallin doono iyadoo la cuskanaya dastuurka wadanka iyo xeer hoosaadka golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments