DHAGEYSO:Ruto:Dhammaan qaybaha wadanka horumar ayaan ka sameynaynaa

0
350

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka u xaqiijiyay inuusan jirin doonin ismaamul ama gobol ka tirsan wadanka oo lagu gacan bidixeyn doono dhanka mashaariicda horumarineed.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in maamulka talada haya uu yahay mid si buuxda u matalaya dhammaan kenyaanka iyadoo aan la eegayn cidii ay codkooda siiyeen xilligii doorashadii guud ee bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Arrintan ayuu shalay sheegay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Homa Bay.
Waxaa madaxweynaha socdaalkiisa ku wehelinayay Eliud Owalo oo uu u soo magacaabay xilka wasiirka isgaarsiinta , xildhibaannada kala ah Ndindi Nyoro (Kiharu), David Ochieng (Ugenya), Mathias Robi (Galbeedka Kuria ) iyo Maisori Kiyatama (Bariga Kuria), barasaabkii hore ee ismaamulka Migori Okoth Obado, dhigiisi Kisumu Jack Ranguma , senatarkii hore ee Kisumu Fred Outa iyo mas’uuliyiin kale.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in laga soo gudbay xilligii tartanka siyaasadeed oo hadda la joogo waqti ay tahay in loo adeego dadweynaha.
William Ruto ayaa xusay inuu la shaqeyn doono dhammaan madaxda la soo doortay sidoo kalena qaab ay qadarin ku dheehan tahay uu ula macaamili doono madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa ODM Raila Odinga.

Eliud Owalo ayaa dhankiisa madaxweynaha dalka uga mahadceliyay inuu u magacaabay wasiirka warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee ICT-da isagoo sheegay in tani ay sharaf u tahay shacabka gobolka Nyanza.