DHAGEYSO:Kenyaanka oo laga codsaday inay maamulka cusub ee talada la wareegay ay ka war sugaan 2 ilaa 3 bilood

0
331

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua oo talefishinka maxalliga ee Citizen wareysi gaar ah ku siiyay ismaamulka Nyeri ayaa shacabka Kenyaanka ah ka codsaday inay maamulka cusub ee talada dalka la wareegay ay ka war sugaan labo ilaa saddex bilood si looga gudbo xaaladda cakiran.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in qiimaha bacriminta oo horay ahaa 6500 oo shilin balse laga dhigay 3500 looga gol-leeyahay in beeralayda ay sare u qaadaan wax soo saarkooda si hoos loogu dhigo qiimaha cunnooyinka qutul daruuriga ah.
Waxaa uu arrin aan suurtagal ahayn ku sheegay in qiimaha waxyaabaha laga soo saaro galleyda waqti xaadirkan laga dhigo 100 shilin.
Gachagua ayaa tilmaamay in xaaladdu ay adag tahay balse ay rajo wanaagsan jirto maadaama ay hayaan qorsho dejintiisa lala kaashaday khuburro kala duwan oo lagu tallaabaqaadi doono.

Sidoo kale waxaa uu faahfaahin ka bixiyay sida bacriminta lagu soo iibiyay iyo in loo maray nidaamka habboon ee sharciga ah.