Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wiil uu dhalay taliyaha ciidanka booliska gobolka Waqooyi Bari oo is toogtay

Wiil uu dhalay taliyaha ciidanka booliska gobolka Waqooyi Bari oo is toogtay

Wiil 13 sano jir ah oo uu dhalay taliyaha ciidanka booliska gobalka Waqooyi Bari ee Kenya Patrick King’ori Macharia ayaa dhintay ka dib markii uu isku toogtay bastoolad uu lahaa aabihiis.
Warbixin uu booliska soo saaray ayaa lagu sheegay in wiilkaas yar uu isku dilay guriga aabihiisa oo ku yaalla xaafadda Ruai ee deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Mr.Macharia oo ku sugan gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegay in lama filaan ay ku noqotay sababta ku kaliftay in wiilkiisa aan qaangaarin uu iska takhaluso.
Waxaa uu sheegay in uu iska toogtay dhanka bidix ee madaxa taas oo keentay geeridiisa.
Saraakiisha dembi baarista ayaa gaaray guriga uu isku dilay wiilka yar iyagoona halkaas ka sameeyay baaritaano.
Meydka ayaa la geeyay halka meydadka la dhigo ee isbitaalka qaranka ee Kenyaatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments