Guddoomiyaha ururka waalidiinta dalka Silas Obuhatsa ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay ku qaldan tahay inaysan xubin waalidiinta matalaysa ku darin liiska shakhsiyaadka loo xilsaaray inay dib u eegis ku sameeyaan oo ay ka soo talo-bixiyaan manhajka waxbarashada ee CBC.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu soo magacaabay guddigan oo ka kooban 42 xubnood iyo toddobo xoghayeyaal ah.
Silas ayaa tilmaamay in waalidiinta ay door muhiim ah ka qaataan inay carruurta wax ku baraan guriyaha.
Waxaa uu sheegay in markii ay eegeen xubnaha guddiga la magacaabay ay ku dhex arkeen barayaal jaamacadeed oo sida uu hadalka u dhigay aan waxba ka fahansanayn arrimaha dugsiyada hoose dhexe.
Xoghayaha guud ee ururkan,Eskimos Kirumbi ayaa dhankiisa sheegay in manhajka CBC uu culeys ku noqday waalidiinta sidaas awgeedna in aan guddiga lagu soo darin ay caqabad ku tahay tacliinta ubadka.
Dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shalay kenyaanka u xaqiijiyay in maamulkiisa uu dib u habeyn ku sameyn doono nidaamka waxbarashada ee CBC si looga hortago in culeysyo dheeeraad ah la saaro waalidiinta iyo macallimiinta.
Ruto ayaa sheegay in guddiga uu dhawaan arrintan u magacaabay uu xaqiijin doono in isbeddello lagu sameeyo hannankan marka dadweynaha laga qayb geliyo.
30-kii bishii hore ayay ahayd markii hoggaamiyaha wadanka uu qoraal rasmi ah ku sheegay in guddiga uu magacaabay oo uu guddoomiye u yahay Prof. Raphael Munavu, uu shaqeyn doono muddo 6 bilood ah iyadoo labadii biloodba uu u soo gudbinaya warbixin ku saabsan halka ay wax marayaan.