Beeralayda Fafi oo cows beeraya

0
390

Iskaashatada beeralayda deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa ee FAFCO ayaa billaabay in iyagoo qaab waraabin ah adeegsanaya ay beeraan cows ay xoolaha daaq looga dhigi karo.
Waxay sheegeen inay sido kale ku howlan yihiin ganacsiga caanaha xoolaha si ay u isticmaalaan una iibiyaan.
Garissa ayaa ka mid ah 23 ismaamul oo ay si wayn u saameysay abaarta ku dhufatay dalka iyo si guud geeska Afrika.