Musharrixii xilkii madaxtinimo ee doorashadii guud ee dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan ahna hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay sababta ku qasabtay inuu aqbalo guushii lagu murmay ee William Ruto ee hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Raila Odinga ayaa sheegay in si looga baaqsado inay dhacdo dhimasho iyo inuu dhiig daato uu go’aansaday inuu aqbalo natiijadii ka soo baxday natiijadii xilka madaxtnimo iyo go’aankii ay maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ku ayidday guusha Dr. Ruto.
Waxaa uu ka dhawaajiyay in sidoo kale ay keentay cabsi laga muujiyay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da inay soo oogto eedeymo ka dhan ah dambiyo ka dhaca Kenya haddii uu dalka rabshad geli lahaa.
Ra’iisul wasaarihii hore dalka ayaa marar badan ku celceliyay in si cadaalad ah aysan u dhicin doorashadii guud ee wadanka ka dhacday sanadkan.