Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya EACC oo baaraysa lacag lagu musuqmaasuqay soo iibinta agabka ICU ee isbitaalka...

EACC oo baaraysa lacag lagu musuqmaasuqay soo iibinta agabka ICU ee isbitaalka Siaya

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa baaraya fadeexad la soo tabiyay xilli la soo iibinayay agabka qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da ee isbitaalka guud ee ismaamulka Siaya.
Guddiga ayaa sheegay in la rumeysan yahay in mashruucan lagu lunsaday 72 milyan oo shilin.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqday in dowladda hoose ee ismaamulka Siaya ay halkaasi ku rakibtay agabka neef caawiyaha oo uu horay u bixiyay isbitaalka Kijabe iyadoo lacagtii loogu talagalay qalabka ICU-da aan adeegsan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC uu dabagal ku hayo lacago dadweyne oo kor u dhaafaya 400 milyan oo shilin oo la tuhunsan yahay inay xadeen saraakiisha sar sare ee dowlad deegaankaasi.
Lacagtan ayaa akoonnada ismaamulka Siaya laga bixiyay 12 cisho ka dib doorashadii guud ee 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
In kastoo barasaabka cusub ee Siaya James Orengo uu amar ku bixiyay in aan qalab cusub la soo iibin, in aan la bixin lacagaha gunnooyinka iyo deymaha haddana guddiga EACC waxaa uu sheegaya in howlwadeennada ay lacago badan baxsadeen xilligii kala-guurka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments