Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Shaqaalaha jaamacadda Egerton oo soo saaray digniin shaqo joojin

Shaqaalaha jaamacadda Egerton oo soo saaray digniin shaqo joojin

Shaqaalaha jaamacadda Egerton oo ka cabanaya musharaad aan weli la siin ayaa sheegay in toddobo cisho ka dib ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
Waxaa arrintan ku dhawaaqay xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha jaamacadaha dalka ee (KUSU) Charles Mukhwaya.
Mas’uulkan ayaa xusay in maamulka jaamacadda Egerton uu sidoo kale ku fashilmay inuu dhaqangeliyo heshiis gorgortan ku saleysnaa oo la gaaray.
Waxaa uu Charles Mukhwaya carrabka ku adkeeyay in howlwadeennada ay ku shaqeeyaan jawi aan waafaqsanayn midka ay dejisay hay’adda caalamiga ee shaqada ee ILO oo ay Kenya xubin ka tahay.
Mukhwaya waxaa uu sheegay inay qasab tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan howlwadeennada jaamacadda loo siiyo boqolkiiba boqol ee musharaadkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments