Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha gobolka waqooyi bari ee dalka ayaa soo dhaweeyay magacaabista xilka xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ee xilka wasiirka wasaaradda difaaca ee wadanka.
Madaxda siyaasadeed ee laga soo doortay gobolka waqooyi bari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayay ugu baaqeen madaxweynaha dalka William Ruto inuu ku dhawaaqo in abaarta ka jirta ismaamullada waqooyiga wadanka inay tahay musiibo qaran.
Waxaa ay soo jeediyeen in arrinta abaarta ay noqota ajendaha ugu horreeya marka baarlamaanka 13-aad dib u billowdo toddobaadka soo socda.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Hoggaamiyayaasha waqooyi bari oo doonaya in abaarta lagu tilmaamo musiibo qaran