Maamulka isbitaalka Kerio oo EACC ku wareejiyay dhul horay loo dhacay

0
244

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in maamulka isbitaalka Kerio Hospital uu si iskiisa ah guddiga ugu soo wareejiyay dhul dowladeed oo horay loo dhacay.
Dhulkan ayuu qiimihiisu yahay 5 milyan oo shilin.
EACC ayaa laga soo xigtay in dhulkan si sharci darro ah lagula wareegay 23-kii bishii Diseembar ee sanadkii 2004.
Waxaa xilligaasi dhulka qaatay nin magaciisu lagu sheegay John Sergon oo isbitaalka Kerio ka iibiyay sanadkii 2017.
Guddiga EACC ayaa hoosta ka xarriiqay in Dr. Kibet Ruto iyo Charles Kurgat ay laanta guddiga ee ismaamulka Nakuru ku soo wareejiyeen sabar loogada dhulkan Nakuru ka dib markii ay ogaadeen in horay dowladda looga boobay.
Isbitaalka Kerio waxaa uu ku yaalla Kabarnet oo ka tirsan ismaamulka Baringo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here