Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa soo saartay baaq ay u jeedinayso dadweynaha oo ah inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqooda gaar ahaan kuwa ku nool xadka gobolka Galbeedka uu la wadaago Uganda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka wadanka ,Patrick Amoth ayaa arrintan bayaan ku sheegay.
Waxaa uu shacabka kula taliyay inay xadka gudbaan keliya haddii ay lagama maarmaan tahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cid kasta oo ka gudbaysa xuduudaha wadanka laga soo galo in laga doonayo inay aad u taxaddarto oo ay fuliso talooyinka iyo tilmaamaha howlwadeennada caafimaadka.
Amoth ayaa intaasi ku daray in ka dib markii 20-kii bishii hore cudurka Ebola uu ka dillaacay dalka Uganda, in dowladda Kenya ay xoojisay howlaha kormeerka iyo baaritaannada lagu sameynaya dadka wadanka soo galaya si looga hor tago in cudurka uu dhankan u soo gudbo.
Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyay in qof laga shakiyay oo lagu baaray isbitaalka Kakamega in laga waayay cudurka Ebola sidaas awgeedna aynan jirin sabab ay kenyaanka walaac u muujiyaan.
Update on the suspected Ebola case in Kakamega County. pic.twitter.com/EGIWNefMd9
— Ministry of Health (@MOH_Kenya) October 1, 2022