DHAGEYSO:Maamulka NMS oo shaqooyinkiisi ku wareejiyay ismaamulka Nairobi

0
231

Agaasimaha guud ee maamulka ay dowladda dhexe horay ugu xil saartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee caasimadda dalka ee (NMS) Maxamad Badi ayaa maanta si rasmi ah waajibaadkii shaqo ee maamulkan ugu wareejiyay dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb galay barasaabka magaala madaxda dalka Johnson Sakaja , wasiirkii hore ee dowlad wadaajinta Eugene Wamalwa iyo mas’uuliyiin kale.
Shaqooyinkan oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka , biyaha , gaadiidka iyo nadaafadda ayaa horay looga wareejiyay Mike Sonko caqabado xilligaasi jiray awgood.
Maxamad Badi ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu maanta wareejiyay shaqooyin loo ansaxiyay bishii labaad ee sanadkii 2020.
Agaasimaha NMS ayaa ku celceliyay inay gudaha magaalada Nairobi ka sameeyeen isbeddel wayn isagoo tusaale u soo qaatay in la qoday 193 ceel biyood ah.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inuu oofiyay ballanqaadkii uu sameeyay maalintii la dhaarinayay guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Barasaabka ayaa dhammaan shaqaalihii maamulka NMS u xaqiijiyay in laga shaqaaleysiin doono dowladda uu hoggaamiyo.

Maamulka NMS ayuu uga mahadceliyay shaqooyinkii uu bulshada u qabtay in kastoo uu caqabado wajahayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here