Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 19 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

In ka badan 19 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Afghanistan

Ugu yaraan 19 ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii qof isa soo miidaamiyay uu weerar ku qaaday xarun waxbarasho oo ku taalla caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.
Weerarkan oo dhacay arroornimadii hore ee maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay 29 qof oo dheeraad ah.
Waxaa laga gaystay xaafadda Dasht-e-Barchi ee galbeedka Kabul.
Afhayeenka booliska Khalid Zadran ayaa weerarka iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in markii uu weerarku dhacayay ay ardayda isku diyaarinayeen inay imtixaan u fadhiistaan.
Ardayda oo soo dhameeyay dugsiyada sare ayaa imtixaan tijaabo ah ku qaadan rabay machadka Kaj ka hor inta aynan bambo qarxin.
Zadran ayaa arrin baniaadannimada ka baxsan oo arxaan darro ah ku tilmaamay in dad shacab ah la bartilmaameedsado.
Ma jirto cid durbaba sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments