Massa Salim oo loo magacaabay sii hayaha xilka agaasimaha dambi baarista

0
366

Guddiga adeegga qaran ee booliska ee (NPSC) ayaa Massa Hamisi Salim u magacaabay inuu si ku meel gaar ah u sii hayo xilka agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee uu dhawaan iska casilay George Kinoti.
Massa oo gacan-yare sare u ahaa taliyaha guud ee booliska ayaa jagadan hayn doono muddo ah ugu yaraan 14 cisho ka hor inta aan mas’uul kale loo dhiibin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga qaran ee NPSC uu shaaciyay inay bannaan tahay jagada agaasimaha dambi baarista .
Guddoomiyaha guddigan Eliud Kinuthia ayaa laga soo xigtay in shakhsiyaadka daneynaya inay xilkan buuxiyaan ay haystaan ilaa 6-da bisha Tobnaad ee sanadkan.