Dowladda oo sheegtay in boqolkiiba 93 ee dadka laga helay COVID-19 aysan astaamo muujin

0
458

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaca ka qaaday in dadka uu haleelay cudurka COVID-19 boqolkiiba 93 aan lagu arag astaamaha lagu garto caabuqa.
Wasaaradda caafimaadka ayaa galinkii dambe ee shalay shaacisay 63 oo ah kiisaska cusub ee fayraska corona.
Tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii hore, gudaha Kenya waxaa laga diiwaangeliyay 98,334 oo ah xaaladaha cudurka.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhacay tirada maalinlaha ee la diiwaangeliyo.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha dalka cudurka ugu dhimatay 1,713 oo qof halka ay xanuunka ka caafimaadeen 81,101.
Isbuucii hore ayuu wasiirka wasaaradda caafimaadka sheegay in Kenya ay bisha labaad ee sanadkan heli doonto tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here