Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya In ka badan 3,500 oo sanadkan ku dhimatay shilalka gudaha dalka

In ka badan 3,500 oo sanadkan ku dhimatay shilalka gudaha dalka

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay in sanadkan gudihiisa 3,541 qof ay Kenya ugu dhinteen shilal dhacay.
Intii u dhexeysay bilihii koowaad ilaa bishan Sagalaad waxaa wadanka laga diiwaangeliyay shilalka waddooyinka oo gaaraya 15,924 .
Dhacdooyinkan ayaa loo aaneeyay arrimo ay ka mid yihiin in rakaabka aynan xiran suunka ku deggan kuraasta, darawallada qaar oo baabuurta si xowli ah u kaxeeya iyo tayada qaar ka mid ah gawaarida oo aan wanaagsanayn.
Booliska ayaa laga soo xigtay in tirada dadka ay dhaawacyada culus ka soo gaareen shilalkan ay tahay 7,236 qof halka dhaawacyada fudud lagu sheegay 5,147.
Afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Mr.Bruno Shioso ayaa bayaanka ku sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay ay shilal kala duwan ku nafwaayeen 145 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments