Guddiga booliska dalka oo sheegay inay bannaan tahay shaqada agaasimaha dambi baarista

0
240

Guddiga qaran ee adeegga booliska (NPSC) ayaa xayaysiiyay inay bannaan tahay jagada agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan uu is casilay George Kinoti oo xilkan hayay.
Guddoomiyaha NPSC ,Eliud Kinuthia ayaa sheegay in shakhsiyaadka daneynaya inay shaqadan qabtaan ay haystaan muddo toddobo cisho ah oo ay codsi ku diri karaan.
Muddada kama dambeyska ee codsiyada la qabanaya ayaa ah 6-da bisha Tobnaad ee sanadkan.
Shuruudaha laga doonayo qofka waxaa ka mid ah inuu yahay muwaadin, inuu haysto shahaadada heerka Degree, inuu leeyahay khibrad ugu yaraan 10 sano ah oo la xiriirta aqoonta iyo maamulka dambi baarista sidoo kalena uu buuxiyay xeerarka hufnaanta ee cutubka 6-aad ee dastuurka wadanka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Talaadadii uu madaxweynaha dalka William Ruto sheegay inuu guddoomay oo uu aqbalay is casilaadda Kinoti.
Hoggaamiyaha dalka ayaa maalinkaasi guddiga adeegga qaran ee booliska ku amray inuu shaaciyo inay bannaan tahay jagadii uu hayay George Kinoti, amarkaasi oo ay maanta dhaqan geliyeen.
Mr.Kinoti ayaa ahaa agaasimaha waaxda dambi baarista dalka tan iyo sanadkii 2018.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here