Hoggaamiyaha isbeheysiga siyaasadeed ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dalbaday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo waxa sababay geerida Paul Gicheru oo ahaa qareen loo haystay inuu laaluushay qaar ka mid ah marqaatiyaasha dacwado ka dhan ahaa shakhsiyaad lala xiriiriyay rabshadihii wadanka ka dhacay sanadkii 2007-dii oo uu ku jiray madaxweynaha dalka William Ruto.
Bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii la soo taagay maxkamadda ICC-da isagoo iska fogeeyay dhamaan waxyaabihii lagu soo oogay oo ay ka mid ahayd inuu u hanjabay marqaatida.
Mr. Odinga ayaa sheegay in hay’adaha baarista caalamiga ah oo ay ku jirto booliska caalamiga ee INTERPOL, ay tahay in ay hormuud ka noqdaan baaritaanka si meesha looga saaro wax kasta oo lagu qarinaya waxa sababay geerida qareenka.
Bayaan uu soo saaray afhayeenka xoghaynta ololaha ee hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga Prof. Makau Mutua , ayaa sheegay in loo baahan yahay baaritaan dhab ah oo lagu kalsoonaan karo si loo ogaado xaaladda dhimashada garyaqaan Gicheru iyo xanuunka wiilkiisa.
Wiilka uu dhalay Paul Gicheru Gicheru oo aabihii kula jiray guriga xilliga uu dhimanayay ayaa la dhigay isbitaal isagoo xaaladdiisu aad u liidato.
Fully Investigate the Gicheru Death. pic.twitter.com/vJtrPyeP2F
— Prof Makau Mutua (@makaumutua) September 28, 2022