Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wiilka Maxamad Yuusuf Xaaji oo la isku raacay inuu noqdo senatarka Garissa

DHAGEYSO:Wiilka Maxamad Yuusuf Xaaji oo la isku raacay inuu noqdo senatarka Garissa

Hoggaamiyaasha siyaasadeed , waxgaradka , culimada , haweenka iyo dhallinyarada ismaamulka Garissa ayaa ku heshiiyay in Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji uu noqdo senatarka dowlad deegaankaas iyada oo aynan cidna kula tartamin doorashada ku celiska ah.
Waxay sheegeen in si loo sharfo aabihii Maxamad Yuusuf Xaaji oo geeriyooday 15-kii bishii hore ay go’aanka qaateen.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Garissa sida xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale , dhigiisa Fafi Cabdikariin Cismaan , Safiya Cabdinuur oo laga soo doortay deegaanka Ijara iyo barasaabka dowlad deegaankaas ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in wiilka Alle ha u naxariistee Maxamad Yuusuf Xaaji garab lagu siiyo sidii uu u sii wadi lahaa midnimadii uu aabihii ka shaqeyn jiray.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa shaaciyay in Garissa ay doorasho ku celis ah oo senatar lagu soo xulanaya ay ka dhici doonto 18-ka bisha shanaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments