DHAGEYSO:Xildhibaanka Fafi oo soo jeediyay in shaqooyinka caafimaadka iyo biyaha lagu celiyo dowladda dhexe

0
416

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Fafi ee ismaamulka Garissa Saalax Yaaquub ayaa soo jeediyay in shaqooyinka lagu wareejiyay ismaamullada gaar ahaan adeegyada biyaha iyo caafimaadka in dib loogu celiyo dowladda dhexe.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan karo afti ama isbeddel lagu sameeyo xeerarka u degsan sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta balse dib u eegistan ay lagama maarmaan tahay.

Arrintan ayuu xildhibaanka ka hadlay xilli uu maanta marti ku ahaa barnaamijka telefishinka maxalliga ee Citizen.