Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo sheegtay in 20 ismaamul ay halis ugu jiraan cudurka Ebola

0
350

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 20 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee wadanka ay halis sare ugu jiraan cudurka Ebola ee ka dillacay dalka Uganda.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Patrick Amoth oo shir jaraa’id qabtay ayaa tilmaamay in ismaamuulladan ay ka mid yihiin Busia, Nakuru, Kiambu, Nairobi, Kajiado, Machakos iyo Makueni.
Waxaa uu sheegay in dowlad deegannada kala ah Taita taveta, Mombasa, Kwale, Kericho, Bungoma, Siaya, Migori, Homa Bay, Kisumu, Trans Nzoia, Galbeedka Pokot, Turkana iyo Uasin Gishu ay sidoo kale halis ugu jiraan cudurkan.
Dr. Amoth ayaa xusay in khatarta ah in fayraska Ebola uu ku faafi karo ismaamuulladan ay tahay, isu socodka dad badan ee isaga kala goosha sohdinta u dhexeyso dowladaha Kenya iyo Uganda, gaar ahaan magaalada Malaba ee dowlad deegaanka Busia.
Waxaa uu si gaar ah tilmaamay in gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi, garoomada diyaaradaha ee ku kala yaalla magaalooyinka Kisumu, Eldoret iyo Mombasa ay halis sare ugu jiraan cudurka.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa intaasi ku daray, in tiro badan oo ah muwaadiniin u dhashay wadanka Uganda ee ku sugan magaalooyinka Nairobi, Kajiado iyo Kakuma ay tahay in fiiro gaar ah lagu hayo.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale ku boorrisay Kenyaanka in haddii ay isku arkaan calaamadaha iyo astaamaha xanuunka Ebola sida qandho badan, matag, qufac, laab xanuun, shuban, finan u eg jadeecada iyo dhiigbaxa ka yimaada meelaha bannaan ee jirka ay taxadar badan mujiyaan islamarkaana ay taagaan xarumaha caafimaadka si baaritaan loogu sameeyo.
Dhanka kale dadweynaha ayaa lagu boorriyay inay soo sheegaan kiisaska looga shakiyo cudurka Ebola, iyagoo soo wacaya nambarrada wasaaradda caafimaadka ee Kenya ee kala ah 719 ama 0732 353 535 iyo 0729 471 414.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda ayaa 19-kii bishan shaacisay in tan iyo sanadkii 2019-kii ay markii ugu horreysay diiwaangelisay dhimashadii koowaad ee ka dhalatay cudurka Ebola.
Sidoo kale bayaan ay Axaddii soo saartay wasaaradda caafimaadka ee wadankaasi ayay ku sheegtay in ilaa iyo hadda cudurka Ebola ay u dhinteen 21 qof.
Tirada guud ee kiisaska cudurkan ee ilaa iyo hadda dalka Uganda laga xaqiijiyay ayay wasaaraddu ku sheegtay 34.