Golaha ay ku mideysan yihiin madaxda ismaamullada wadanka ee CoG ayaa sheegay in dowlad deegaannada ay boqolkiiba 2 ee miisaaniyadooda u qoondeyn doonaan ka falcelinta saameynta ka dhalatay abaarta.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday qoraallo la soo dhigay baraha rasmiga ee bulshada ee golahan.
Shalay ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uu kulan wada tashi ah la yeeshay guddoomiyaha CoG Anne Waiguru iyo barasaabyada ismaamullada xoolo dhaqatada ee loo yaqaano ASALs.
Waxay ka wada hadleen tallaabooyinka looga falcelin karo saameynta abaarta ee laga dareemaya 23 dowlad deegaan.
Waxaa kulanka ka soo baxay qodob ah in dowladda dhexe ay cunno gaarsiin doono dadka ku nool 29 ka mid ah ismaamullada Kenya.
Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in wasaaradda maaliyadda ay dardargeliso soo saaridda dakhliga ay sida siman u qaybsadaan ismaamullada.
✅That, County Governments will allocate 2% of their budget to support drought response pic.twitter.com/TQNbysPZ6c
— Council of Governors (@KenyaGovernors) September 26, 2022
Dowladda dhexe , ismaamullada , saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka iyo waaxyaha gaarka ah ayaa dhamaantood sare u qaadi doono caawimaadda cuntada iyo lacagaha tooska ah ee la siinaya qoysaska hadda wajahaya cunno yarida.
Sidoo kale guddiga hilibka dalka ee KMC ayaa si degdeg ah u dhaqangelin doono barnaamij xoolaha looga iibsanaya xoolo dhaqatada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shalay daahfuray 50 baabuur oo gargaar cunno u sido ismaamullada ay ka mid yihiin Garissa, Mandera, Wajeer, Marsabit, Baringo iyo Kajiado.
Ruto ayaa sheegay in abaarta ay saameysay ilaa 3.5 milyan oo qof oo kenyaan ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii saameynta abaarta xal waara loogu heli lahaa.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in si toddobaadla ah loo qaybin doono cunnadda gargaarka , biyaha iyo waxyaabaha kale ee daruuriga iyadoo lagu saleynaya qiimeyn uu hor kacaya madaxweyne ku xigeenka wadanka.
Gargaarka ay dowladda dhexe bixinayso waxaa ka mid ah quudka la siiyo xoolaha.