Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay shil shalay laga soo tabiyay ismaamulka Homa Bay.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 10 qof ka dib markii labo qof oo dhaawac ahaa ay xijaabteen.
Shilka ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhacay meel u dhow xarunta ganacsiga ee Got Kokech oo ku taalla waddada xiriirisa Homa-Bay iyo Kendu Bay .
Waxaa uu shilka u dhexeyay baabuur yar iyo mid ka mid ah gawaarida qaada shidaalka.