DHAGEYSO:Booliska oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryay taageerayaasha Azimio oo ku bannanbaxayay xarunta IEBC

0
308

Ciidamada booliska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryeen taageerayaasha isbeheysiga Azimio La Umoja-One ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Qaar ka mid ah xulafada isbeheysiaga Azimio oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan golaha qaran xeer dejinta ayaa ka mudaaharaadayay go’aanka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC ay xilka uga qaadeen ku xigeenka madaxa fulinta ee guddigan Ruth Kulundu.
Shaqaaqo ayaa ka dhalatay afaafka hore ee xafiiska IEBC ka dib markii ay taagerayaasha iyo xildhibaannada Azimio isku dayeen inay xoog ku galaan gudaha xarunta guddigan ee dhismaha Anniversary Towers ee magaalada Nairobi.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan albaabada laga soo galo dhismaha Anniversary Towers, oo ay ku yaallaan xafiisyada IEBC.
Madaxda siyaasadeed ee isbeheysiga Azimio ayaa doonaya in Kulundu dib loogu soo celiyo booskeeda, xitaa iyagoo ku eedeeyay guddiga IEBC inay gacan bidixeeyeen saraakiisha loo arko inay saaxiib la yihiin isbeheysigan.