Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 3 qof halka tiro intaa ka badan laga cabsi qaba inay ku xanniban yihiin dhismo ka kooban 7 dabaq oo ku dumay saaka tuulada Kirigiti ee ismaamulka Kiambu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabaqa soo dumay uu dhismo ku socday.
Dadka dhintay ayaa kala ahaa haweeney iyo labo carruur ah, halka saddex kalena lagu daweynayo isbitaalka heerka shanaad ee dowlad deegaanka Kiambu.
Waxaa wali la xaqiijin in dadka dhintay ay qaraabo ahaayeen iyo in kale.
Dad aan tiradooda la garanayn ayay wararka tilmaamayaan inay ku xayiran yihiin dhismaha soo dumay.
Hay’ado kala duwan ayaa gacan ka gaysanaya howlaha samatabixita si ay u badbadiyaan dadka dhisma dumay wali ku xayiran.
Barasaabka ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi ayaa isku dubaridaya dadaallada samatabixinta ay wadaan kooxo badan oo hay’ado ah oo ka kala socda waaxda dab demiska iyo maareynta musiibooyinka ee dowlad deegaankasi, saraakiisha booliska, ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta iyo hay’adda laanqayrta cas ee Kenya Red Cross.