Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa si adag u cambaareeyay dhacdadii laga soo tabiyay ismaamulka Turkana oo lagu dilay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka iyo dad rayid ah.
Waxaa uu wacad ku maray in aan la baryi doonin burcadda, si adagna loola macaamili doono.
Maalinkii Sabtida ayay ahayd markii ugu yaraan 11 qof lagu dilay weerar laga gaystay bariga dowlad deegaanka Turkana.
Falkan ayaa waxaa fuliyay kooxo burcad ah oo la rumeysan yahay inay ku howlanayeen dhaca xoolaha.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa ololahiisa doorashada horay u ballanqaaday in dalka laga ciribtiri doono burcadda gaysta dilalka iyo dhaca xoolaha.
Ciidamo dhowr ah ayaa la geeyay ismaamulka Turkana si amniga ay u sugaan.
Dhanka kale saraakiishii ammaanka ee lagu laayay ismaamulka Turkana ayaa xalay la keenay magaalada Nairobi ,iyagoona la dhigay goobta meydadka la dhigo ee city mortuary ee caasimadda dalka.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo amray in la billaabo howlgallada lagu cirib tirayo burcadda...