Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in dhallinyarada laga qayb geliyo barnaamijyada caafimaadka

Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in dhallinyarada laga qayb geliyo barnaamijyada caafimaadka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dowladaha qaaradda Afrika ku boorriyay in marka ay dejinayaan qorshayaasha ku aaddan barnaamijyada caafimaadka ay tixgeliyaan da’yarta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhallinyarada ay leeyihiin awood , dhiirranaan sidoo kalena ay fahansan yihiin arrimaha horumarka.
Mr. Kenyatta ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in dhallinyarada laga soo dhiso dhanka caafimaadka si ay mas’uuliyad isaga saaraan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu shalay madaxtooyada state House ka jeediyay khudbad uu ku furayay shirka sanadkan ee arrimaha caafimaadka Afrika.
Dhanka kale waxaa uu madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha wadanka Itoobiya Sahle-Work Zewde oo ay ka wada hadleen arrimo ay dani ugu jirto labada dal iyo si guud gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments