Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dowladaha ismaamullada uga digay inay bixiyaan deymaha lagu leeyahay ee aan la xaqiijin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay jiraan qandaraaslayaal badan oo sheeganaya inay dowlad deegaannada uga maqan yihiin lacago maadaama ay adeegyo u fidiyeen.
Hasa ahaate madaxa fulinta ee EACC Twalib Mbarak ayaa sheegay inay qasab tahay in xaqiijin la sameeyo ka hor inta aan lacagahan la bixin.
Sidoo kale maamullada ismaamullada ayuu uga digay shaqaaleysiinta dadka aan u qalmin xilalka.




