Madaxweynaha dalka oo ka hadlay arrimaha ammaanka

0
282

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maadaama waaxda qaran ee adeegga booliska ee NPS la siiyay madax bannaani maaliyadeed, ciidamada ammaanka laga doonayo inay waajibaadkooda shaqo si buuxda uga soo baxaan.
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha wadanka uu amray in taliyaha guud ee ciidamada booliska loo aqoonsado inuu yahay xisaabiyaha miisaaniyadda booliska.
Xilli uu shalay ka hadlay munaasabad duco iyo mahadcelin ah oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayuu William Ruto ciidamada booliska ku boorriyay inay xoojiyaan dadaallada lagu xasilinayo meelaha ay ka dhacaan falalka dhaca xoolaha oo ay ka mid tahay waqooyiga gobolka Rift Valley.
Madaxweynaha wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu saraakiisha amniga uga fadhiyo natiijo maadaama caqabaddii dhaqaale ee ay wajahayeen la xalliyay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weerar ka dhacay bariga ismaamulka Turkana lagu dilay 11 qof.
Waxaa dadkan ka mid ah 8 sarkaal oo amni oo meydadkooda la keenay magaalada Nairobi halka inta kale ay isugu jiraan labo shacab iyo guddoomiye xaafadeed.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoggaamiyaasha diimeed ka codsaday inay Alle bari sameyaan oo ay u duceeyaan sarakiisha ammaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay in wax laga qabto qaybaha wadanka ee ay amni darrada ka jirto.