Maxkamadda dalka oo berri faahfaahin doonto go’aankii ay ku ayidday guushii Ruto

0
361

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa berri soo bandhigi doonto faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan sababta ay xaakinnada waxba kama jiraan uga soo qaadeen dacwaddii isbeheysiga Azimio La Umoja.
5-tii bishan ayay ahayd markii garsoorayaasha ay sheegeen in madaxweynaha dalka William Ruto uu si sharci ah ugu guulaystay xilka madaxtinnimo ee doorashadii bishii hore.
Qoraal ay soo saartay waaxda diiwaangelinta ee maxkamadda ugu sarreysa dalka ayaa lagu sheegay in toddobada garsoorayaal ay go’aankoodii faahfaahin doonaan abaare 2:30 galabnimo ee berri.