Madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi, ayaa kansalay wareysi ay la yeelan lahayd wariyaha rugcadaaga Christiane Amanpour oo ka howlgasha teleefishinka CNN ee laga leeyahay dalka Maraykanka.
Go’aanka madaxweynaha Iiraan ayaa yimid ka dib markii ay wariyaha diiday inay xirato xijaab, xilli ay qorsheyneysay in wareys la yeelato.
Wareysiga ayaa lagu waday inuu ka dhaco magaalada New York ee uu ka socdo kal-fadhiga 77-aad ee golaha dhan yahay ee qaramada midoobay.
Christiane Amanpour ayaa diiday codsiga madaxweynaha Iiraan ee ahaa in haddii ay dooneyso in wareysiga ka qaado ay xijaabo xirato.
Hasa ahaate waxa loo sheegay in wareysiga uusan dhaceyn ilaa ay xirato xijaab.
Arrintan ayaa ku soo aadeyso iyadoo wadanka Iiraan ay ka socdaan mudaharaadyo aan horay loo arag oo looga soo horjeedo dhaqanka qasabka ah ee xirashada xijaabka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii haweeney ay ku dhex geeriyootay xabsi ku yaalla dalka Iiraan.
Haweeneydan oo magaceyda lagu sheegay Amini islamarkaana da’adeedu ahayd 22 sano jir, ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeyay inay jabisay xeerarka labiska ama xirashada xijaabka.