Kenyaanka aan iska beddelin basaaboorkii hore oo haysta ilaa dabayaaqada bisha 11-aad

0
414

Dowladda ayaa kenyaanka wali haysta basaaboorkii hore uga baaqday inay qaataan midka cusub ee dijitaalka ah ee jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Kenyaanka ayaa haysta ilaa 30-ka bisha 11-aad ee sanadkan, xilligaasi oo ay ugu dambeysa qaadashada midka cusub.
Agaasimaha guud ee waaxda socdaalka ee dalka Alexander Muteshi ayaa sheegay in Kenya ay u hoggaansameyso go’aanka jaaliyadda EAC ee sanadkii 2021-ka.
Waxaa uu xusay in Kenyaanka laga doonayo inay beddelaan baasaboorkoodi hore islamarkaana ay qaataan midka cusub inta wakhtiga uusan ka dhicin.
Kenya ayaa billowday bixinta baasaboorka cusub bishii Sagaalaad ee sanadkii 2017-kii, iyada oo taasi ay qayb ka ahayd casriyeenta adeegyada.
Baasaboorka casriga ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo hufnaanta, sare u qaadida ammaanka iyo in la daboolo dulduleelaha, kuwaasi oo qayb ka ah qorshayaasha horumarineed ee ku xusan hiigsiga 2030-ka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here