DHAGEYSO:Diyaarad dad ay saarnaayeen oo ku burburtay magaalada Nairobi

0
293

Waxaa lagu soo warramaya in in afar qof ay ka badbaadeen shil diyaaradeed oo gelinka dambe shalay laga soo tabiyay beerta qaran ee duurjoogta Nairobi National Park ee deegaanka Langa’ta.
Sarkaalka taliska qaybta booliska ee OCPD-ga ee deegaanka Lang’ata Monica Kimani, ayaa sheegtay in matoorka diyaaradda ay cillad ku yimid wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi.
Waxaa ay intaasi ku dartay in afar qof oo diyaarad saarna uu midkoodna dhaawac soo gaarin, islamarkaana loo qaaday garoonka Wilson si baaritaan caafimaad loogu sameeyo.
Dadka diyaaradda saarnaa ayaa isugu jiray saddex qof oo loo tababarayay wadista diyaaradaha iyo kabtankooda.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta ugu warramay sida ay wax u dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here