Madaxweynaha dalka oo wada hadal la yeeshay xoghayaha guud ee qaramada midoobay

0
457

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada New York ee dalka Maraykanka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres.
Waxaa ay hoosta ka xariiqeen doorka muhiimka ah ee Kenya ay ka ciyaareyso horumarinta xasilloonida gobolka.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray nabadda iyo amniga, xubinnimada Kenya ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay, isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee gobolka.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto doorkeeda ku aaddan horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka.
Waxaa uu u xaqiijiyay xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso Mr. Guterres in Kenya ay sii wadi doonto la shaqeynta qaramada midoobay iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah si loo xalliyo colaadaha muddada dheer soo jiray, faqriga iyo u nuglaanshaha isbeddelka cimilada ee gobolka.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay taageerrada iyo hoggaaminta Kenya ee horumarinta nabadda gobolka.
Waxaa uu ku baaqay wadahadal dhab ah oo daacad ah, si loo dhameystiro howlaha bani’aadamnimada.
Kenya waxay xudun u ahayd nabadda, amniga iyo xasilloonida bariga Afrika iyo Geeska Afrika.
Waa mid ka mid ah dalalka hormuudka u ah howlgallada nabad ilaalinta oo ay qaramada midoobay hormuudka u tahay.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa xusay in Kenya sii wadi doonto doorkeeda hoggaamineed ee dhexdhexaadinta xiisadaha iyo colaadaha dalalka deriska ah.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday, xaaladda bini’aadantinimo ee ka sii daraysa ee ka dhalatay abaarta daba dheeraatay ee saameysay waddamada Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxda beesha caalamka ayaa loogu baaqay inay si degdeg ah musiibadan wax uga qabtaan.