Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirkii hore ee cayaaraha oo maxkamad la soo taagay

Wasiirkii hore ee cayaaraha oo maxkamad la soo taagay

Waxaa maanta maxkamadda ismaamulka Kiambu la soo taagay wasiirkii hore ee cayaaraha Rashid Echesa oo toddobaadkii hore laga dhex arkay muuqaal isagoo dharbaxaya mid ka mid ah saraakiisha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in Echesa uu hal cisho ku jiro saldhigga booliska ee Gigiri .
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa maxkamadda ka codsaday toddobo maalmood si ay baaritaannada u soo gabagabeyaan.
Hasa ahaate qareenka Rashid Echesa ayaa codsigan ka soo horjeestay isagoo xusay in dacwadda uu eedeysanaha wajahaya ay tahay mid siyaasadeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments