Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:In ka badan 400,000 oo qoys oo gaajo ku wajahaya ismaamulka Mandera

DHAGEYSO:In ka badan 400,000 oo qoys oo gaajo ku wajahaya ismaamulka Mandera

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 400,000 oo qoys oo ku kala nool deegaannada ismaamulka Mandera ay u baahan yihiin gargaar cunno.
Waxaa dhibaatadan loo aaneeyay saameynta abaarta oo sababtay in dad badan oo ku nool waqooyiga dalka ay macluul soo wajahdo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in boqolal carruur ah ay wajahayaan nafaqo darro.
Qoysaska dhibaatada wajahaya ayaan haysan wax cunto iyo biyo, iyadoo xoolihii ay dhaqan jireen ay abaarta ka laaysay.
Maamulka qaran ee qaabilsan maareynta saameynta abaaraha ee NDMA ayaa ka digay in roobabka la filayo inay bishan da’aan ay baaqdaan, in xaaladda ay ka sii dari karto.
Xuseen Carretho oo ah isuduwaha abaaraha ee maamulka qaran NDMA laantiisa ismaamulka Mandera ayaa qiray in xoolo dhaqatada qaar ay ka tageen Mandera, islamarkaana baad iyo biyo ugu raadiyeen xoolahooda dowlad deegaannada kale ee wadanka.
Dowladda dalka iyo hay’adaha gargaarka ayaa loogu baaqay inay gargaar bini’aadanimo la soo gaaraan dadka ay abaartu ku saameysay ismaamulka Mandera

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments