Guddiga EACC oo kenyaanka la wadaagay nambar bilaash ah oo ay ku soo gudbin karaan dhacdooyinka musuqmaasuq

0
302

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa kenyaanka ku wargeliyay inay soo wacaan nambarka bilaashaka ah ee 1551, haddii ay la kulmaan dhacdooyinka la xiriira musuqmaasuqa.
Adeeggan ayaa la heli karaa inta u dhexeysa maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha.
Waxaa uu sidoo kale adeeggan shaqeynaya inta u dhexeysa saacadaha 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.
Guddiga EACC ayaa sidoo kale dadweynaha ku wargeliyay in ay soo sheegi karaan dhacdooyinka la xiriira musuqmaasuqa ee laga soo tabiya xarumaha bixiya adeegyada aasaasiga ah ee Huduma guud ahaan dalka.
Waxaa uu dhanka kale guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC faray dhammaan hoggamiyayaashi la soo doortay doorashadii guud ee dhacday 9-kii bishii hore ay hantidooda ku cadeeyaan 30-ka cisho ee ugu horreeya oo ay xafiiska joogan.
Shaqaalaha dowladda waxa uu sharcigu uga baahan yahay in ay soo bandhigaan dakhligooda, kaydka bangiyada u yaalla iyo hantidooda sida dhulalka iyo dhismayaasha ay leeyihiin.
Waxaa sidoo kale laga doonaya inay soo bandhigaan hantida ay leeyihiin xasaaskooda iyo carruurtooda ka wayn da’ada 18 sano.