Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Miguna Miguna oo 4 sano ka dib dib u helay baasaboorkiisa kenyaanka...

Miguna Miguna oo 4 sano ka dib dib u helay baasaboorkiisa kenyaanka ah

Qareenka horay wadanka looga tarxiilay ee ku sugan Canada ,Miguna Miguna ayaa sheegay inuu dib helay basaboorkiisa kenyaanka ah oo lagala wareegay ku dhawaad 5 sano ka hor.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu haatan kaliya sugaya in meesha laga saaro amarkii ahaa in diyaaradaha u soo safraya Kenya aynan soo qaadin Miguna.
Dr. Miguna, ayaa dalka laga tarxiilay bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii, ka dib markii uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga u dhaariyay madaxweynaha shacabka Kenya.
Waxaa uu haystaa laba dhalasho oo kala ah Kenya iyo Canada.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii dowladda Kenya ay soo saartay digniin cas oo ku socota shirkadda diyaaradaha ee Air France oo qorshuhu ahaa in Miguna uu ka soo raaco caasimadda wadanka Jarmalka ee Berlin, si uu dalka dib ugu soo laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments