Senatarrada dalka oo maanta tababar uga billowday Naivasha

0
218

Waxaa maanta magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru uu tababar uga billowday xubnaha aqalka sare ee dalka.
Tababarka ayaa senatarrada lagu fahan siinaya waajibaadkooda shaqo iyo hab-raacyada ay u hoggaansamayaan ayaa socon doono muddo shan cisho ah.
Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay tan iyo markii siyaasiyiintan la dhaariyay 9-kii bishan oo ay guddoomiye u doorteen barasaabkii hore ee ismaamulka Kilifi, Amason Kingi .
Guddoomiyaha ayaa si rasmi ah u furi doono tababarka oo hal -ku dhiggiisu yahay fahanka shaqooyinka aqalka sare iyo xeer dejin lagu xoojinaya nidaamka dowlad wadaajinta.
Qodobbada kale ee lagu soo qaadanaya tababarka waxaa ka mid ah xiriirka ka dhexeya guddiyada dastuuriga ah , xafiisyada madaxa bannaan iyo amniga qaranka.
Waxaa sidoo kale jiri doono fadhi ku saabsan xiriirka warbaahineed iyo wacyigelinta bulshada oo uu daadihin doono senatarka ismaamulka kitui Enoch Wambua oo horay wariye u ahaa.
Waxaa fadhigan ka qayb geli doono madaxa ururka tifaftirayaasha dalka Churchill Otieno iyo Mark Kaigwa oo ah la-taliye warbaahineed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here